Dhowr madfac ayaa maanta ku dhacay isbitaalka guud ee magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, xilli bannaanka magaalada ay ku dagaallamayaan ciidanka jamhuuriyadda Somaliland iyo maleeshiyaad deegaanka ka soo jeeda, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen howlwadeennada caafimaadka ee isbitaalkaasi.
Muuqaallo laga soo duubay isbitaalka ayaa muujinaya burbur baahsan oo ka dhalatay duqeynta.
Dhanka kale, Somaliland ayaa sheegtay in dagaalka ay ku soo biireen taliyayaal ciidan oo ka tegay Muqdisho, walow aysan faahfaahin ka bixin arrinkaasi.




