Isbeheysiga militari ee taageeraya Yemen oo sheegay inuu qabtay 4 diyaaradood oo ay leeyihiin xuutiyiinta

0
595

Isbeheysiga militari ee uu Sacuudiga hoggaaminaya kaasoo taageeraya dowladda uu caalamku aqoonsan yahay ee dalka Yemen ayaa sheegay inuu qabtay diyaarado ay adeegsanaysay kooxda Xuutiyiinta.
Diyaaradahan ayaa tiradoodu lagu sheegay afar.
Warbaahinta Al Ekhbariya oo soo xiganaysa saraakiil ka tirsan isbeheysiga militari ayaa ku warramaysa in mid ka mid ah diyaaradaha aan duuliyadha lahayn la doonayay in lagu bartilmaameedsado koonfurta boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Diyaaradda labaad ayaa ku wajahnayd magaalada Khamis Mushait halka midda saddexaad loogu talagalay in lagu weeraro magaala xeebeedka Jazan .
Isbeheysiga ayaa sheegay in uu sameynayo wax kasta oo suurtagal ah oo lagu badbaadinayo nolosha shacabka Yemen iyo jiritaanka dowladda dalkaas.