Isbeheysiga Azimio oo xil ka qaaday senatarka Isiolo

0
296

Isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ayaa senatarka ismaamulka Isiolo Fatuma Dullo ka xayuubiyay xil ay ka haystay aqalka sare.
Waxay garabka mucaaradka ee dalka u qaabilsanayd xaqiijinta kala dambeynta ee senate-ka.
Hoggaamiyaha Azimio , Raila Odinga ayaa sheegay in Fatuma Dullo lagu beddelay dhigeeda ismaamulka Narok Ledama Ole Kina oo uu ku xigeen u noqonaya senatarka Nairobi Edwin Sifuna.
Senatarka Isiolo ayaa ka mid ahayd in ka badan 30 ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga Jubilee oo dhawaan madaxweynaha dalka William Ruto kula kulmay xarunta madaxtooyada ee State House.
Raila Odinga ayaa laga soo xigtay in Azimio ay tallaabooyin ka qaadayso xubnaha aan daacad u ahayn qorshahooda siyaasadeed.