Isbeheysiga Azimio oo sheegay in dibadbaxyada ay sii soconayaan

0
361

Hoggaamiyaasha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ayaa sheegay in dibadbaxyada Arbacada, Khamiista iyo Jimcada ay u qabsoomi doonaan sidii loogu tala galay.
Martha Karua oo ka mid ah hoggaamiyaasha sare ee Azimio ayaa sheegtay in tallaabada lagala laabtay ciidamadii ilaalinayay aynan marnaba cabsi gelin doonin.
Waxay sheegtay in waxyeello la gaarsiin karo jirka aadanaha balse aan marnaba laga takhalusi karin niyadda.
Martha Karua ayaa dhanka kale saraakiisha ammaanka uga digtay in si aan habboonayn loo adeegsado oo ay dhibaatooyin gaarsiiyaan dibadbaxayaasha.
Waxay sheegtay inay qasab tahay in maamulka madaxweyne William Ruto uu yareeyo qiimaha sarreeya ee maciishadda.