Hoggaamiyaasha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ayaa shir jaraaid oo ay qabteen ka sheegay in xubnahooda aynan ka qayb geli doonin wada hadallada kala dhexeya dowladda ee uu madaxweyaha dalka William Ruto soo jeediyay in loo maro qaab baarlamaani ah.
Raila Odinga , Kalonzo Musyoka iyo Martha Karua ayaa ku doodaya in garabka Kenya Kwanza aynan daacad ka ahayn geeddisocodka wada hadallada.
Waxay doonayaan in la ballaariyo ka qayb qaadashada wada hadallada oo laga dhigo sida dhexdhexaadintii xoghayihii guud ee hore ee qaramada midoobay Kofi Annan ee sanadkii 2008-dii.
Go’aanka ay qaateen madaxda Azimio ayaa ku soo beegmay iyadoo madaxa aqlabiyadda ee baarlamaanka Kimani Ichung’wah uu shalay gudbiyay mooshin ku aaddan wada hadallada.
Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetangula ayaa Kimani Ichung’wah iyo madaxa siyaasiyiinta laga tirada badan yahay Opiyo Wandayi ku amray inay soo saaraan qodobbada hagaya wada hadallada.
Madaxa xisbiga Wiper kana mid ah madaxda sare ee isbeheysiga Azimio Kalonzo Musyoka ayaa sheegay inay xildhibaanka deegaanka Rarieda Otiende Amollo oo hoggaaminaya toddobada xubnood ee ay soo xusheen ay ku amreen inuu si rasmi ah u casuumo dhigooda Kenya Kwanza si loogu heshiiyo xeerarka wada hadallada siyaasadeed.
Mucaaradka dalka ayaa hoosta ka xarriiqay in Kimani Inchung’wah uunan mooshinkiisa ku soo qaadan afar qodob oo muhiim ah sida hoos u dhigidda qiimaha cuntooyinka , shidaalka , korontada , dib u soo dhiska guddiga IEBC iyo in baaritaano dabagal ah lagu sameeyo keydka doorashooyinka sidoo kale tixgelinta dimuqraadiyadda nidaamka xisbiyada badan.
Kalonzo Musyoka ayaa mar kale xusay in isbeheysiga mucaaradka uu bisha barakeysan ee Ramadaan ka dib billaabi doono dibadbaxyadii toddobaadlaha ahaa.