Isbeheysiga Azimio oo maanta shir ku qabanaya Nairobi

0
278

Isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ayaa maanta shir ku qabtay xarunta shirarka ee Ufungamano Hall.
Waxaa kulanka ka soo qayb galay hoggaamiyaasha waaxyo kala duwan sida dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqul insaanka , aqoonyahaanno , madaxda ururrada diimeed,ururrada shaqaalaha , ururrada beeralayda , ganacsatada yaryar iyo qaybo kale.
Waxaa shirka marti gelinayay ururrada rayidka iyadoo looga hadlay arrimo qaran.
Qoraal uu horay u soo saaray madaxa mucaaradka dalka Raila Odinga ayaa waxaa ku cad in ujeeddooyinka shirka maanta ay ka mid ahayd in diido baarlamaan ka amar qaata madaxweyne.
Muhiimadda kulanka ayaa lagu sheegay mideynta kenyaanka ,xal u raadinta dhibaatooyinka dalka ka jira , soo saaridda jahada horumarinta qaranka iyo in mustaqbal ifaya loo sameeyo shacabka iyo jiilalka dambe.
11-kii bishan ayay ahayd markii guddoomiyaha golaha fulinta ee isbeheysiga Azimio Wycliffe Ambetsa Oparanya uu shaaciyay inay maanta iyo 16-ka bishan qaban doonaan isku soo baxyo dadweyne.
Waxaa bayaanka maalinkaasi lagu sheegay in ujeeddada laga leeyahay kulanka maanta iyo midka Axadda soo socoto lagu qaban doono fagaaraha Kamukunji grounds ee ismaamulka Nairobi ay tahay in mucaaradka uu shacabka faahfaahin ka siiyo halka ay wax marayaan iyo tallaabada xigta ee la qaadaya ka dib dibadbaxyadii ay hakiyeen.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo mucaaradka iyo isbeheysiga talada dalka haya ee Kenya Kwanza ay labaduba soo saareen guddiyo ka kooban min toddobo xubnood oo ku matalaya wada hadallada ku aaddan arrimaha guddiga IEBC.