DHAGEYSO:Isbeheysiga Azimio oo maanta dibadbaxyo ka sameeyay magaalooyin kala duwan

0
226

Isbeheysiga Azimio oo maanta dibadbaxyo ka sameeyay magaalooyin kala duwan
Hoggaamiyaasha siyaasadeed ee isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya iyo taageerayaashooda ayaa maanta isugu soo baxay magaalooyin kala duwan sida Nairobi, Kisumu , Kitale , Migori iyo Kakamega.
Madaxa mucaaradka Raila Odinga ayaa horay u shaaciyay in dibadbaxayaasha ay subaxa isniinta isugu tagi doonaan bartamaha magaalada ka hor inta aynan u sii gudbin xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi.
Hasa ahaate saraakiisha ammaanka gaar ahaan booliiska qaabilsan la tacaalidda rabshadaha ayaa si wayn loo howlgeliyay
Waxay xireen dhammaan waddooyinka loo maro xarunta madaxtooyada .
Sidoo kale shacabka ayaa laga hor istaagay inay isugu tagaan xarunta shirarka caalamiga ee KICC ee magaalada Nairobi iyadoo Raila iyo xulafadiisa ay saraakiisha ammaanka u diideen inay taageerayaashooda kula hadlaan maqaaxida Serena.
Ciidamada ammaanka ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday inay kala eryaan siyaasiyiinta iyo taageerayaashooda.
Abaare 11-kii barqannimo ee maanta waxaa afaafka hore ee xarunta shirarka caalamiga ee KICC ee magaalada Nairobi laga qabtay hoggaamiyaha siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee baarlamaanka Opiyo Wandayi iyo dhigiisa aqalka sare sidoo kalena ah senatarka ismaamulka Kilifi Stewart Madzayo.
Saraakiisha ayaa sidoo kale xiray xildhibaannada deegaanka Malindi ee ismaamulka Kilifi Amina Mnyazi iyo mudanaha deegaan baarlamaneedka Koonfurta Kilifi Richard Ken Chonga.
Siyaasiyiintan ayaa la geeyay saldhigga booliiska ee Kiambu ka hor inta aan loo sii gudbin xarunta dhexe ee waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da halkaasi oo ay ka qoreen farriin la xiriirta inay ka qayb qaateen isku soo bax sharci darro ah.
Hasa ahaate madaxdan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dibadbaxyada ay socon doonaan xita haddii saraakiisha ammaanka ay howlgallada wadaan.

Sidoo kale saraakiisha ammaanka ayaa saaka shacabka deegaanka Kibera ee magaalada Nairobi ka hor istaagay inay gudaha u soo galaan caasimadda dalka.
Waxaa uu iskudhac halkaasi ku dhex maray booliiska iyo taageerayaasha isbeheysiga Azimio oo waddooyinka taayarro ku gudbayay sidoo kalena dhagaxaan ku tuurayay saraakiisha ammaanka oo dhankooda ku falcelinayay sunta dadka ka ilmeysiisa.
Iskudhacyadan ayaa laga soo tabiyay magaalooyinka Kisumu, Kitale oo ka tirsan Trans Nzoia , Migori iyo Kakamega.
Kisumu waxaa lagu xiray ilaa 5 ruux waxayna dibadbaxayaasha dab qabadiisyeen baabuur la dhigay xafiiska xisbiga UDA ee xaafadda Nyalenda ee Kisumu iyadoo uu rabshadaha dhacay cambaareeyay barasaabka dowlad deegaankaasi Prof. Peter Anyang’ Nyong’o.
Gudaha Nairobi waxay sidoo kale iskudhacyo ka dhaceen xaafadda Embakasi iyadoo ciidamada ammaanka ay hor istaageen dhallinyaro doonayay inay isugu tagaan fagaaraha Jacaranda.
Qaar ka mid ah dhallinyaradaasi ayaa warbaahinta la hadlay.

Shalay ayay ahayd markii taliyaha booliiska ee ismaamulka Nairobi Adamson Bungei uu sheegay in mucaaradka aan loo fasaxin inay dibadbax ka sameeyaan gudaha Nairobi sidaas awgeedna cidii mudaaharaadyada ka qayb gasho in laga qaadaya tallaabada sharciyeed ee ku habboon.
Ismaamulka Nakuru saraakiisha ammaanka waxay maanta xireen guddoomiyihii hore ee golaha hoose ee ismaamulka Nakuru Joel Kairo iyo guddoomiyaha xisbiga ODM ee Nakuru Bernard Miruka.
Rabshadaha maanta ka dhacay magaalada Nairobi , xaafadaha qaar iyo magaalooyinka kale ayaa sababay in inta badan la xiro goobaha ganacsiga waxaana jiro warar sheegaya in dibadbaxayaasha ay waxyeello gaarsiiyeen xarumo ganacsi iyadoo sidoo kale ay saameyn soo gaartay waxbarashada.
Marka laga soo tago siyaasiyiinta la xiray, saraakiisha ammaanka ayaa sidoo kale dhowr qof oo shacab ah gacanta ku dhigay.