Isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ayaa guddoomiyaha baarlamaanka Moses Wetangula u qabtay ilaa Talaadada dambe si uu u shaaciyo inay Sabina Chege ka xayuubiyeen xilka ku xigeenka madaxa dhanka nidaamka baarlamaanka ee mucaaradka.
Madaxa siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee golaha qaran ee xeer dejinta Opiyo Wandayi ayaa Wetangula ku eedeyay inuunan arrintan dhexdhexaad ka noqon oo uu dhinac la saftay.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in guddoomiyaha uu ku guul dareystay inuu ku dhawaaqo taariikhda rasmiga ee uu shaacinaya isbeddelka ay sameeyeen mucaaradka .
Wandayi ayaa hoosta ka xarriiqay in Sabina Chege xilkii ay haysay laga qaaday ka dib kulan uu isbeheysiga Azimio maalmo ka hor ku yeeshay ismaamulka Machakos .
Opiyo Wandayi ayaa wacad ku maray in haddii Talaadada soo socoto aynan helin wargelin arrinkan ku aaddan in xaaladdu aynan sii ahaan doonin sidii caadiga ahayd.
Waxaa uu intaasi raaciyay inay aad isku xakameeyeen in ka badan 6 bilood iyagoo sida uu hadalka u dhigay la daandaansanayay.
Isbeheysiga mucaaradka ee Azimio ayaa ku adkeysanaya in aan loo baahnayn in arrintan laga doodo maadaama aan loo tilmaami karin go’aannada ay qaadanayaan.
Home Wararka Kenya Isbeheysiga Azimio oo guddoomiyaha baarlamaanka u qabtay wakhti uu ku shaacinaya isbeddel...