Dowladda dhexe ayaa ka laabatay ansixinta isbeddel la soo jeediyay kaasi oo uu qorshuhu ahaa in lagu sameeyo xeerka tacliinta sare ee wadanka.
Tani ayaa timid ka dib markii ay arrinkan dood geliyeen qaar ka mid ah xeer dejiyaasha dalka iyo bahda waxbarashada.
Soo jeedinta ayaa ahayd in ardayda ay dowladdu ka bixiso qarashaadka waxbarashada ay keliya ku biiraan jaamacadaha iyo machadyada dowliga ah halka nidaamka hadda jira uu yahay in ay sidoo kale wax ka baran karaan xarumaha gaarka ah ee tacliinta sare.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kimani Ichungw’ah, ayaa sheegay in laga baaran degay saameynta ay dhaqangelinta soo jeedintan ku yeelan karto ardayda.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ka dib wada tashi ay la yeesheen wasaaradda waxbarashada ee dalka in la go’aansaday in isbeddelkaasi aan lagu tallaaba qaadin.
Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetangula ayaa xaqiijiyay inuu aqbalay codsiga ka yimid Kimani oo ah in aan waxba laga beddelin xeerka jaamacadaha ee University Act ee la soo saaray sanadkii 2012.