Isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga ee Yemen ayaa qaaday “howlgal milatari oo xaddidan” oo lagu bartilmaameedsanayo waxa ay ku tilmaameen taageero militari oo shisheeye oo ka socota dekedda Mukalla, maalmo ka dib markii ay uga digeen kooxda gooni u goosadka ah ee Golaha Ku meel gaarka ah ee Koonfurta (STC) inay tallaabo milatari ka qaadaan gobolka Hadramout.
Ciidamada cirka ee isbahaysiga ayaa howlgalka milatari fuliyay Talaadada maanta ah, iyagoo bartilmaameedsanaya hub iyo gaadiid aan la soo dejin, sida ay ku warantay Wakaaladda Wararka ee Sacuudiga (SPA).
Afhayeenka Isbahaysiga Turki al-Malki ayaa sheegay in laba markab ay galeen dekedda Mukalla Sabtidii iyo Axaddii iyaga oo aan haysan oggolaansho isbahaysiga, ay curyaamiyeen nidaamyadooda dabagalka, ayna dejiyeen hub iyo gaadiid dagaal oo aad u badan “si ay u taageeraan” STC.
Madaxa golaha madaxweynaha Yemen ee uu taageerayo Sacuudiga, Rashad al Alimi, ayaa ka dib weerarka cirka ee maanta sheegay in dhammaan ciidamada Imaaraadka Carabta ay tahay inay ka baxaan Yemen 24 saacadood gudahood.




