Is-casilaadda madaxweynaha Sri Lanka oo la aqbalay

0
517

Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Sri Lanka Mahinda Yapa ayaa warfidiyeenka u sheegay inuu qabtay oo uu aqbalay warqad is-casilaad ah oo ka timid madaxweynihii wadankaasi Gotabaya Rajapaksa oo dalkaasi isaga cararay haatanna ku sugan Singapore.
Mahinda ayaa xusay in Gotabaya uu si rasmi ah xilka uga degay Khamiistii shalay.
Dastuurka Sri Lanka ayaa dhigaya in ra’iisul wasaare Ranil Wickremesinghe uu si ku meel gaar ah ula wareegaya xilka madaxtinnimo ilaa iyo inta baarlamaanka ay hoggaamiye cusub u soo dooranayaan dalkaasi.