Irene Masit oo ka mid ah afar sarkaal oo ka tirsanaa guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC oo shaqada laga istaajiyay ayaa ka soo horjeedsatay guddi uu magacaabay madaxweynaha dalka William Ruto.
Qoraal ay gudbisay oo ka kooban 15 bog ayay ku sheegtay in guddiga uu hoggaamiyo garsoore Aggrey Muchelule uunan awood sharci ah u lahayn inuu sameeyo baaritaannada loo igmaday.
Waxay doonaysa in maxkamadda sare ee dalka ay dhageysato oo ay go’aan ka gaarto eedeymaha loo soo jeediyay iyada iyo saddex sarkaal oo kale.
Saraakiisha ayaa lagu dhaliilay go’aan ay bishii Siddeedaad ee sanadkan ka qaateen natiijadii doorashadii guud saacado ka hor inta uunan ku dhawaaqin guddoomiyaha IEBC,Wafula Chebukati.