Iran oo weerar kale ku qaadday Israa’iil

0
334

Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ayaa sheegay in ay qaadeen mowjadihii 48-aad ee weerarrada ka dhanka ah Israa’iil, sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda Iiraan.
Wakaalada wararka ee jamhuuriyada islaamiga ah ayaa sheegtay in weerarrada ay isku mar la qaadeen kooxda Xisbullah ee dalka Lubnaan.