Iran oo weerar culus ku qaadey bartamaha Israa’iil

0
165

Iran ayaa subaxnimadii hore ee saaka weerar gantaal ah ku qaaday bartamaha Israa’iil, taas oo keentay in uu dab ka kaco xarrunta Holon, iyada oo dhawr weerar oo Israa’iil laga soo sheegay magaalada Isfahan-ee Iran, oo ay ku taal xarun cilmi-baariseed oo muhiim u ah barnaamijka Nukliyeerka .
Wasiirka arrimaha dibadda Iran Cabbaas Arakchi ayaa sheegay in barnaamijka Nukliyeerka Iran uu yahay mid nabadeed, dalkiisana uu weli u furan yahay wadahadalada diblomaasiyadda, balse waa in marka hore la joojiyo weerarrada Israel.