Iran ayaa qaaday mowjado cusub oo weeraro ah oo ka dhan ah Israa’iil, iyadoo ugu yaraan 8 qof ay ku dishay magaalada Tel Aviv, isla markaana ay gantaallo kale ku garaacday magaalada dekedda leh ee Haifa, saacado ka dib markii milatariga Israa’iil ay duqeeyeen caasimadda Iran ee Tehran.
Dhimashada Iran ayaa gaartay 224 qof oo ay ku jiraan 70 haween iyo caruur ah. Madaxa sirdoonka ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) iyo laba jeneraal oo kale ayaa lagu dilay weerarrada Israel Axaddii.
Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa ku booriyay dadkiisa inay midoobaan iyadoo mowjadaha duqeymaha Israa’iil ay sii wadaan inay waxyeello u geystaan guud ahaan dalka, oo ay ku jirto magaalada Kermanshah, halkaasoo isbitaal lagu weeraray.