IPOA oo xabsi u taxaabtay sarkaal booliis ah

0
142

Sarkaal booliis ah oo lagu eedeeyay inuu toogtay arday jaamacadeed oo 22 jir ahaa oo ku noolaa magaalada Kitale ayaa la xiray iyadoo baaritaannada dhacdada ay sii xoogaysanayaan.
Hay’adda Madaxa bannaan ee Kormeerka ku sameysa howlaha Booliiska (IPOA) ayaa xaqiijisay in sarkaalka la qabtay ka dib markii la sheegay inuu toogtay Dalphine Mwangi, oo ahayd arday ka tirsan Kulliyada farsamada ee Kitale.
Sida laga soo xigtay IPOA Adeegga Qaran ee Booliiska ayaa ku soo wargeliyay maalin ka dib markii uu sarkaalka geestay dilka si loo bilaabo baaritaano ka dhan ah.
Dhibanaha ayaa dhaawac rasaas ah ka soo gaaray madaxa waxaana markii hore loo qaaday Isbitaalka Kijana Wamalwa ka hor inta aan loo wareejin isbitaal kale oo ku yaal Eldoret, halkaas oo ay ku geeriyootay 24-kii bishan October.