Maamulka madaxa banaan ee kormeerka ku sameeya hawlaha booliska (IPOA) ayaa xaqiijisaay in Albert Ojwang uu ku dhintay qol ku yaala xabsiga dhexe ee Nairobi.
Bayaan ay soo saartay , IPOA ayaa shaca ka qaday natiijooyin horudhac ah oo ku saabsan dhimashada, iyadoo xaqiijisay in Ojwang uu dhintay 8-dii bishan June , 2025, saacado kadib markii laga soo qabtay ismaamulka Homa Bay isagoona loo soo wareejiyay Nairobi.
Dilkiisa waxaa loo xiray labo qof oo uu ku jiro taliyaha Saldhiga Central ee Nairobi , iyo qof rayid ah.
baarayaasha IPOA waxay sidoo kale ogaadeen faragelin lagu sameeyay muuqaalada ilaalada muhiimka ah ee saldhiga.
Taliyaha Booliska Central oo loo xiray dhacdadan ayaa la sheegay in uu muhiim u yahay baaritaanada socda.