Warbixin uu soo saaray maamulka madaxa bannaan ee kormeera howlaha booliiska dalka ee(IPOA) ayaa lagu sheegay in saraakiisha ammaanka ee la howlgeliyay xilligii ay dhacayeen dibadbaxyadii looga soo horjeeday geeridii Albert Ojwang’ aynan soo bandhigin magacyadooda iyo lambarrada shaqada ee lagu aqoonsado.
Tani ayaa lagu tilmaamay xadgudub ka dhan ah xeerarka waddanka.
Waxaa warbixinta walaac looga muujiyay daahfurnaanta, la xisaabtanka iyo adeegsiga awoodda xad dhaafka ah ee booliiska marka ay la tacaalayaan mudaaharaadyada.
Maamulka IPOA ayaa intaasi ku daray in ismaamulka Nairobi laga howlgeliyay saraakiisha sida militariga u tababaran ee (GSU), ciidamada ilaaliya kaabayaasha muhiimka ah ee (CIPU) iyo kuwa shaqooyinka guud oo uu u dhameystirnaa agabka maareynta rabshadaha halka qaar ka mid ah booliiska ay adeegsanayeen baabuur la qariyay taargadooda.
Sidoo kale , IPOA ayaa sheegtay in ay diiwaangelisay dhimashada shacab dhan 65, dhaawacyo la gaarsiiyay 342 qof oo rayid ah iyo 171 ka mid ah saraakiisha booliiska oo la dhaawacay.
Maamulka ayaa taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Douglas Kanja ugu baaqay inuu kaashado baarlamaanka si loo dejiyo xeer faahfaahsan oo lagu maareeyo dibadbaxyada iyo in dadweynaha la fahansiiyo xuquuqdooda la xariirta mudaaharaadyada.
Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa sidoo kale loogu baaqay inuu billaabo shaqaaleysiinta ciidamo dheeraad ah oo loo wajahaya si daahfuran.
Home Wararka Kenya IPOA oo sheegtay in booliiskii la tacaalayay dibadbaxyada aynan muujin lambarrada aqoonsiga




