IPOA oo macluumaad ka codsatay cid kasta oo goobjoog u ahayd toogashadii Rex Maasai

0
286

Maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliiska ee (IPOA)ayaa cid kasta oo goobjoog u ahayd toogashadii Khamiistii loo gaystay Rex Kanyike Maasai ku boorriyay in ay macluumaadka ay hayso soo gudbiso.
Maamulka ayaa sheegay in tani ay dardargelin doonto baaritaannada socda ee arrinkan ku aaddan.
Jimcihii ayay ahayd markii maamulka IPOA uu guda galay baaritaannada lagu xaqiijinaya cidii ka dambeysay iyo qaabkii uu u dhacay dilkii Rex .
Rex ayay rasaas uga dhacday lugta wuxuuna xilli lagu daaweynayay isbitaalka Bliss ee ismaamulka Nairobi u geeriyooday dhaawac soo gaaray .
Waxaa uu ka mid ahaa labo qof oo geeridooda la xaqiijiyay tan iyo markii ay Talaadadii hore billowdeen dibadbaxyada looga soo horjeedo hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan.