Maamulka madaxa bannaan ee kormeera howlaha booliiska dalka ee IPOA ayaa dalbaday in baaritaano qoto dheer lagu sameeyo dhacdo dhawaan laga soo tabiyay ismaamulka Mombasa.
Guddoomiyaha IPOA, Anne Makori ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay qasab tahay in la ogaado sida ay ku dhacday in mid ka mid ah darawaliinta Mombasa oo uu askari ku amray inuu baabuurka istaajiyo uu gaariga u jiirsiiyay sarkaalka.
Taliyaha guud ee booliiska dalka Japheth Koome ayay kula talisay inuu arrintan ka sal gaaro.
Bayaanka IPOA waxaa ku cad in dhacdooyinka lagu bartilmaameedsado saraakiisha ammaanka ay kordheen sidaas awgeedna la doonayo in dabagal wax ku ool ah lagu sameeyo arrintan.
Askariga ka tirsanaa waaxda taraafikada ee dalka ee baabuurka la jiirsiiyay ayaa lagu magacaabi jiray Julius Marwa waxaana hadda xabsi ku jiro Cismaan Jaamac Cabdi oo falkaasi loo haysto.
IPOA condoles with the @NPSOfficial_KE, @NPSC_KE,colleagues, family, and friends of a police officer who was fatally wounded while on duty in Mombasa ^MF pic.twitter.com/kd41ueB7vR
— IPOA (@IPOA_KE) February 28, 2023