IPOA oo bilawday baaritaan ku saabsan nin mootooley ah oo ku dhex dhintay xabsiga booliiska ee Kawangware

0
86

Hay’adda Madaxa bannaan ee Kormeerka ku sameeyso howlaha Booliiska ee (IPOA) ayaa bilowday baaritaanno ku saabsan duruufaha qarsoon ee ku xeeran geerida nin mootooley ah oo lagu magacaabo Jack Leon Matoke, isagoo ku jira xabsiga booliiska ee Kawangware ee magaalada Nairobi.
Matoke, oo laga diiwaan geliyay saldhigga booliiska ee Kawangware abaare 7-dii fiidnimo ee Khamiistii la soo daafay ayaa meydkiisa laga helay qolka meydadka ee xaruunta City Mortuary wax ka yar afar saacaadood markii la soo xiray.
War saxaafadeed ay soo saartay Isniintii ayay IPOA ku sheegtay in Matoke lagu xiray saldhigga booliiska ee Kawangware iyadoo la sugayo wareejintiisa ee Saldhigga Booliiska ee Muthangari 11-kii bishan December.
Hay’adda ayaa xaqiijisay inay horey u booqatay oo ay diiwaangelisay goobta, xiriir la samaysay qoyska, iyo inay ka qaybgashay baaritaanka dhimashada ka dib oo lagu sameeyay xaruunta City Mortuary.
Booliiska ayaa sheegeen in Matoke uu nafta isdaafiyay isagoo isticmaalaya shaarkiisa balse qoyskiisa ayaa si xooggan uga dooday sheegashadan, iyagoo sheegay inay ka duwan tahay xaqiiqada.