IPOA oo baareysa toogashadii Shukri Ibrahim ee lagu toogtay gudaha magaalada Nairobi

0
361

Hay’adda Madaxa Bannaan ee Kormeerta howlaha Booliiska (IPOA) ayaa bilowday baaritaan ku saabsan dhimashadii Shukri Ibrahim, oo la sheegay in askari booliis ah uu ku toogtay 11-kii bishan Janaayo, xaafadda Mukuru Kwa Njenga ee deegaanka Embakasi ee magaalada Nairobi.
Sida lagu sheegay war saxaafadeed ay soo saartay IPOA, Ibrahim ayaa maalintaas la socday Wycliff Nyakwama iyo Festus Mutinda, iyaga oo gaari u waday macaamiil ku sugnaa xaafadda Imara Daima, markaas oo gaariga uu ku lug yeeshay shil waddo oo ay isku dhaceen gaari kale oo mataatuu eh.
Waxaa la sheegay in khilaaf uu ka dhex dhashay darawalada labada gaari, taas oo keentay in saddexda qof ay ka baxsadaan goobta kadib markii darawalkii mataatuuda uu codsaday taageero.
Saddexdooda ayaa laga soo qabtay dugsiga MCC School iyaga oo dib ugu sii socday goobta shilka, halkaas oo ay ku qabteen saraakiil booliis ah oo lagu kala magacaabo Godwin Mjomba iyo Patrick Mutunga Titus, kuwaas oo ku amray inay dhulka iska dhigaan. Godwin Mjomba ayaa la sheegay inuu rasaas riday, taasoo keentay in Shukri Ibrahim uu ku dhinto goobta isagoo madaxa ka dhaawacmay.
IPOA ayaa kormeertay baaritaanka meydka oo xaqiijiyay in dhimashadiisa ay sababtay hal rasaas oo madaxa kaga dhacday. Ibrahim ayaa lagu aasay qabuuraha Muslimiinta ee Lang’ata.
Labada askari ee la tuhunsan yahay ayaa la xiray iyagoo la soo taagay Maxkamadda Milimani, halkaas oo maxkamadda ay siisay IPOA amar xabsi ku hayn oo muddo 14 maalmood ah si loo dhameystiro baaritaanka.