Warbixin uu soo saaray maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliska ee IPOA ayaa lagu sheegay in 7 dhacdo oo dembi ah la soo tabiyay intii lagu guda jiray doorashadii guud ee 9-kii bishan dalka ka dhacday.
Shan ka mid ah dhacdooyinkan ayaa laga soo tabiyay goobo kala duwan oo codadka laga dhiibtay laguna tiriyay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in labo ka mid ah dhacdooyinkan markii dambe meesha laga saaray.
Dhacdooyinkan ayaa dhacay intii u dhexeysay 7-dii ilaa 12-kii bishan.
Waxaa arrimahan kormeer ku sameynayay 250 saraakiil oo ka tirsan maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliska ee IPOA kuwaas oo la geeyay 46 ismaamul oo ka mid 47-da dowlad deegaan ee Kenya ka kooban tahay.
Dhacdooyinka la baarayo ayaa waxaa ka mid ah weerarkii iyo dhaawaca toddobo qof ee ka dhacay deegaanka Garsen ee ismaamulka Tana River, fiidnimadii 11-kii bishan Siddeedaad.
Waxaa sidoo kale maamulka baaritaan ku haya rabshadihii laga soo tabiyay maalinkii doorashada ee deegaanka Ceeldaas ee ismaamulka Wajeer, halkaas oo mid ka mid ah saraakiisha IEBC uu dhaawac soo gaaray sababtay in lugtiisa midig la jaro.
Dhanka kale, maamulka IPOA ayaa bogaadiyay waaxda qaran adeegga booliska dalka, sida ay u xaqiijiyeen in si nabadgelyo ah doorashadii guud ku dhacday.