IPOA oo baaraysa tuhmane ku dhintey saldhiga dhexe booliiska ee Kisumu

0
382

Hay’adda Madaxa bannaan ee Kormeerka ku sameysa howlaha Booliiska ee (IPOA) ayaa bilowday baaritaan ku saabsan dhimashada qof looga shakisan yahay inuu magaalada Kisumu ka gaysan jiray dhac rabshado wato kaasoo la sheegay inuu isdilay isagoo ku jira xabsiga Saldhigga Dhexe ee Booliiska Kisumu toddobaadkii hore.
Sida laga soo xigtay Isuduwaha Gobolka Nyanza ee IPOA, Paul Murkomen, saraakiisha maamulka ayaa horey u diiwaan geliyay warbixinno ka soo baxay shaqaalaha booliiska ee shaqada ku jiray xilligii dhacdada.
Waxaa uu intaas ku daray in IPOA ay ku guda jirto raadinta qoyska qofka geeriyooday, oo loo yaqaano Kelvin Oduor, oo ku magac dheer Kevo.
Murkomen ayaa waxaa uu sheegay in baaritaanka uu ujeedkiisu yahay in la ogaado in dhimashada Oduor ay tahay isdil iyo in kale.
Waxaa uu xaqiijiyay in baaritaanka dhimashada kadib la sameyn doono si loo ogaado sababta saxda ah ee dhimashada.
Ninka geeriyooday ayaa la xiray Isniintii, 27-kii bishii hore ee October iyadoo lala xiriirinayo kiis dhac oo rabshado wato waxaana lagu xukumay inuu xabsiga ku sii jiro 14 maalmood inta laga soo gabagabeeynaayo baaritaanada ka dhanka ah.
Si kastaba ha ahaatee, Jimcihii 31-kii October ayaa la sheegay in Oduor laga helay isagoo ka laalaada saqaafka musqusha booliiska, iyadoo saraakiisha saldhigga ku sugan ay sheegeen inuu isdilay.