Maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliiska dalka ee IPOA ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu guda galay baaritaano ku aaddan dil labo qof loogu gaystay ismaamulka Murang’a .
Bayaanka guddoomiyaha IPOA , Anne Makori waxaa ku cad inay koox dabagal sameynaysa u direen aaggaasi.
Dilka ayaa dhacay shalay oo Axad ahayd.
Makori ayaa hoosta ka xarriiqday inay ogaadeen in saraakiil booliis ah ay falkan ku lug lahaayeen.
Guddoomiyaha maamulka IPOA ayaa intaasi ku dartay in tallaabada habboon ee dhanka sharciga ah la qaadi doono marka la soo gabagabeeyo baaritaannada.
Tani ayaa timid ka dib markii dadweynaha ay si wayn uga falceliyeen sawirro ay soo saartay waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da oo sheegtay in labada qof oo eedeysanayaal ahaa lagu dilay is rasaaseyn dhex martay iyaga iyo booliiska.
DCI ayaa xustay in dilka uu ka dhacay aagga Kigumo oo ka tirsan Murang’a .
Hasa ahaate warbixintaasi ayaa ugu dambeyn meesha laga saaray ka dib markii la soo tabiyay in booliiska ay horay labada qof u xireen.
IPOA's statement following the fatal shooting of two suspects in Murang'a.#GuardingPublicInterestInPolicing#PoliceAccountability
^SC pic.twitter.com/BKQr76sDz9— IPOA (@IPOA_KE) March 13, 2023