IPOA oo baaraysa dil laga gaystay magaalada Chuka

0
246

Maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliiska dalka ee IPOA ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu guda galay baaritaano ku aaddan dil loo gaystay Willis Mugambi oo ahaa guddoomiyaha ururka wadayaasha mootooyinka ee magaalada Chuka ee ismaamulka Tharaka Nithi.
Bayaanka guddoomiyaha IPOA , Anne Makori waxaa ku cad inay koox dabagal sameynaysa u direen aaggaasi.
Mrs. Makori ayaa sheegtay in dilka dhacay ay booliiska gaysteen sidaasi awgeedna ay baaritaannada guda galeen.
Willis Mugambi oo ahaa guddoomiyaha ururka wadayaasha mootooyinka ee magaalada Chuka ee ayaa la toogtay xilli uu qayb ka ahaa iskudhac dhex maray booliiska iyo dibadbaxayaal caddaalad dalbanayay kuwaas oo ka carooday dil toddobaadkii hore loo gaystay mid ka mid ah dadka deegaanka oo lagu magacaabi jiray Daniel Mutembei.
Guddoomiyaha maamulka IPOA ayaa intaasi ku dartay in tallaabada habboon ee dhanka sharciga ah la qaadi doono marka la soo gabagabeeyo baaritaannada.