Maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliiska dalka ee IPOA ayaa baaritaano ku haya dil labo ruux loogu gaystay deegaanka Endebess ee ismaamulka Trans Nzoia.
Labada qof ee la toogtay ayaa rag ahaa.
Waxaa toogashadan lala xiriirinaya saraakiisha booliiska qaran ee keydka ee (NPR).
Dilka ayaa shalay ka dhacay beerta mid ka mid ah urur iskaashi oo ka jiro deegaanka Endebess .
Wararka ayaa intaasi ku daraya in toogashada lagu dhaawacay dhowr qof oo kale.
Maamulka IPOA ayaa saaka sheegay inuu koox baaritaannada u qaabilsan oo ka timid Eldoret uu halkaasi geeyay.
Guddoomiyaha maamulka IPOA Anne Makori ayaa sheegtay in baaritaannada lagu ogaan doono sababaha keenay in labada nin la toogto si saraakiishii falkaasi ka dambeeyay loola xisaabtamo.