IPOA oo baaraysa dhimashooyin ka dhashay dibadbaxyada

0
339

Maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliiska ee (IPOA) ayaa billaabay baaritaano ku aaddan dhacdooyin qaar ka mid ah ciidamada ammaanka looga shakisan yahay inay dad shacab ah ku toogteen maalinkii Arbacada ee toddobaadkan.
Bayaanka IPOA waxaa ku cad inay eegi doonaan dilalka iyo dhaawaacyada la soo tabiyay ee loo tiirinaya booliiska.
Sidoo kale waxaa baaritaannada qayb ka noqonaya inuu jiray gaabad looga hor tagi karay burburinta hantida dadweynaha iyo kaabayaasha muhiimka ah.
Guddoomiyaha IPOA, Ann Makori ayaa intaasi ku dartay in baaritaannada ka dib ay talooyinkooda u gudbin doonaan waaxda dacwad oogidda dalka.