Ingiriiska oo muwaadiniintiisa ku sugan Kenya digniin u diray

0
452

Dowladda Ingiriiska ayaa soo saartay la-talin dhinaca socdaalka ah oo ay u jeedinayso muwaadiniinteeda booqanaya qaybo ka mid ah dalkani Kenya .
Waxay shacabkeeda uga digtay inay u safraan qaar ka mid ah ismaamullada dalka oo ay ka mid tahay Laikipia, sababo la xiriira fal-dambiyeedyo iyo howlgallada socda ee lagu sifeynayo burcadda dhibaateysa dadweynaha.
Ingiriiska ayaa ku taliyay in laga fiirsado u safridda degmada Nyahururu,galbeedka Laikipia iyo Waqooyiga dowlad deegaankaasi.
Britain waxay sidoo kale muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan ismaamulka Turkana iyo sidoo kale xaafadaha Islii iyo Kibera ee Nairobi oo ay ku sheegeen inay ka mid yihiin goobaha ay dambiyada ka dhacaan sida dhaca iyo afduubka.
Waxaa sare loo qaaday taxaddarka la siinayo muwaadiniinta Ingiriiska ee u socdaalaya qaar ka mid ah xeebaha iyo deegaanada ku teedsan xuduudka Kenya iyo Soomaaliya sababo la xiriira falal argagixisannimo iyo afduub.
Dowladda Britain ayaa ku talisay in laga fiirsado dhammaan safarrada aan muhiimka ahayn ee lagu tagayo deegaannada 60 kiiloomitir u jira xudduudda Kenya iyo Soomaaliya oo ay tusaalo u soo qaateen Bariga Garissa,Mandera ,Lamu iyo Tana River.
Britain ayaa digniinteeda ku dartay in si wayn loo taxadaro inta lagu guda jiro xilli fasaxeedka gaar ahaana maalmaha Christmas iyo dabbaaldegga sanadka cusub ee soo galaya.
Talo bixinta Ingiriiska waxaa ka mid ah in laga yaabo in la beegsado meelaha ay ku badan yihiin ajaaniibta sida baararka, huteelada, suuqyada waaweyn, xarumaha ganacsiga, goobaha gaadiidka laga raaco , goobaha cibaadada iyo xarumaha dowladda oo ay ku jiraan safaaradaha.