Ingiriiska oo kooxda Wagner u aqoonsanaya argagixiso

0
256

Waxaa lagu wadaa in boqortooyada Ingiriiska ay militariga gaarka ah ee dalka Ruushka ee Wagner u aqoonsato hay’ad argagixiso ah.
Warbaahinta maxalliga ee UK ayaa ku warramaysa in baarlamaanka dalkaasi loo gudbin doono hindise militarigan loogu aqoonsanaya argagixiso oo hantidooda lagula wareegaya.
Tani ayaa gudaha Ingiriiska mamnuuc ka dhigi doonto in qofka uu xubin ka noqdo Wagner Group ama uu taageero u muujiyo.
Wargeyska The Guardian ayaa qoray in qorshahan maanta baarlamaanka Ingiriiska la hor geyn doono.