Ingiriiska oo Kenyaanka ugu baaqay inay dal ku gal codsadaan 6 toddobaad ka hor

0
535

Safaaradda boqortooyada Ingiriiska ee dalka ayaa shakhsiyaadka doonaya inay u safraan UK ugu baaqday inay codsiyada la xiriira dal ku galka gudbiyaan muddo 6 toddobaad ah ka hor waqtigii hore.
Safiirka UK ee Kenya Jane Marriott ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in tani ay ka hor tag u noqon karto in qofka ay saameyn ka soo gaarto dib u dhac heer caalami ah oo jiro.
Waxay hoosta ka xarriiqday in qof waliba oo Ingiriiska u tagaya waxbarasho, ganacsi ama dalxiis ay tahay inuu fiisaha sii codsado 6 isbuuc ka hor xilliga uu qorsheeyay inuu safro.
Danjiraha ayaa muuqaal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee Twitter-ka ku sheegtay in muddada 6-da toddobaad ah ay ka billaabanaysa marka uu qofku tago xarunta laga codsado dal ku galka ee aynan ahayn marka uu foomka online-ka ah buuxiyo.
Culeyska jira ayay u aaneysay codsiyo is gargaaray oo intii uu jiray caabuqa corona aan la soo saarin.
Waxay carrabka ku adkeysay in hadda si aan horay loo arag loo dalbanaya dal ku galka ama fiisaha Ingiriiska.
Dadweynaha Kenyaanka ah ayay arrintan ka raaligelisay.
Waxay sheegtay in sanadkii 2019-kii ,300,000 oo arday ah oo ka kala socda daafaha dunida ay doonayeen inay gudaha u galaan UK halka sanadkan tiradan ay laba jibaar noqotay.
Sidoo kale waxay xustay in culeyska jira awgeed safaaraddu aynan hadda bixinayn adeegii hore ee fiisaha ee mudnaanta koowad la siin jiray.