Boqortooyada Ingiriiska ayaa soo saartay digniin ay u jeedinayso muwaadiniinteeda ku nool gudaha wadanka.
Dowladda UK ayaa shacabkeeda uga digtay in laga billaabo bisha Afaraad ee sanadkan aynan u safrin qaybo ka mid ah dalka sida ismaamullada gobolka waqooyi bari.
Tani ayaa timid ka dib markii waaxda qaran ee adeegga booliska ay shalay sheegtay inay aad u xoojin doonto ammaanka ismaamullo ay dhawaan ka dhaceen falal amni darro.
Safaaradda Ingiriiska ee Kenya ayaa bayaan ku sheegtay in xilliga fasaxyada diimeed ay jirto halis sare oo dhanka argagixisada ah.
Waxaa falalkan ka mid ah afduub ay gaystaan kooxaha argagixisada.
Muwaadiniinta Ingiriiska ee ku nool gudaha wadanka ayaa lagu boorriyay inay si gaar ah iskaga ilaaliyaan tagidda meelaha 60 kiiloomitir u jira xuduudda Kenya iyo Soomaaliya.