Ingiriiska iyo Portugal oo maanta lgu wado inay aqoonsadaan dal Falastiin ah

0
371

In ka badan 100 sano ka dib Baaqii Balfour oo lagu taageeray “samaynta guri qaran oo loogu talagalay dadka Yuhuudda ah gudaha dhulka Falastiin “, iyo 77 sano ka dib abuurista Israa’iil, Boqortooyada Ingiriiska ayaa lagu wadaa inay si rasmi ah u aqoonsato dowlad Falastiin ah.
Raa’iisul Wasaare Keir Starmer ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo aqoonsiga maanta oo Axadda, laba maalmood ka hor inta uusan furmin shirka 80-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay (UNGA), kaasoo diiradda lagu saari doono madaxbannaanida Falastiin ka dib tobannaan sano oo ay Israa’iil ka waday gumaysi iyo midab takoor.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Portugal ayaa dhankeeda sheegtay Jimcihii in ay sidoo kale si rasmi ah u shaacin doonto aqoonsigeeda maalinta Axadda ah.
Xukuumadda Lisbon ayaa waxaa ay horey ugu dhawaaqday bishii Luulyo ee sanadkan inay damacsan tahay inay sidaas sameyso, iyada oo soo xiganeysa “horumarka walaaca leh ee dagaalka” iyo sidoo kale dhibaatooyinka bini’aadanimo iyo hanjabaadaha soo noqnoqda ee Israa’iil ee ah inay xoog ku qaadato dhulka Falastiiniyiinta.