Ingiriiska iyo Maraykanka oo taageero dheeraad ah siinaya Ukraine

0
276

Boqortooyada Ingiriiska , Maraykanka iyo Midowga Yurub ayaa dowladda Ukraine u ballan qaaday taageero dheeraad oo gaaraysa balaayiin doolar.
Tani ayaa timid ka dib markii uu furmay shirweynaha London ee xoogga lagu saaraya dadaallada dib u dhiska ee xukuumadda Kyiv.
Xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay inay Ukraine siinayaan taageero dhaqaale oo dheeraad oo gaaraysa 3.1 bilyan oo doolar si dib loogu dhiso adeegyada tamarta oo loo cusbooneysiiyo kaabayaasha.
Hasa ahaate madaxweynaha dalka Ukraine,Volodymyr Zelenskyy oo taageeradan soo dhaweeyay ayaa sheegay in waddamada reer galbeedka laga doonaya inaynan keliya isku koobin heshiisyo balse ay u gudbaan fulinta mashaariic dhab ah.