Dowladda dalka India ayaa soo saartay xeer la doonaya in shaqada looga eryo wasiirrada iyo siyaasiyiinta sare ee waddankaasi ee wajahaya falal dambiyeedyada.
Xeerkan ayaa la adeegsan doonaa haddii mas’uul sare gacanta lagu dhigo oo uu xabsiga ku jiro muddo 30 cishe ah.
Hasa ahaate, xubnaha mucaaradka ayaa soo jeedinta dowladda dalka India ku tilmaamay mid lagu burburinaya xuquuqaha dastuuriga ah.
Dhowr qof oo ka mid ah dadka ka soo horjeeda xukuumadda Ra’iisul Wasaaraha India Narendra Modi ayaa sanadihii ugu dambeeyay wajahayay baaritaanno ku aaddan falal dambiyeedyo loo haysto.