India oo laga xaqiijiyay in ka badan 400,000 oo ah xaaladaha cusub ee corona

0
535

Wasaaradda caafimaadka ee dalka India ayaa sheegtay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay ay diiwaangelisay 414,188 oo ah kiisaska cusub ee cudurka COVID19.
Sidoo kale waxaa wadankaas cudurka ugu dhintay 3,915 qof oo dheeraad ah.
Tirada guud ee xaaladaha caabuqa corona ee dalka India ayaa ah 21.49 milyan halka dhimashadu ay gaartay 234,083.