India oo laga xaqiijiyay in ka badan 270 kun oo ah xaaladaha corona

0
452

Wasaaradda caafimaadka ee dalka India ayaa shaacisay in hal maalin gudaheeda ay diiwaangelisay xaaladaha cudurka COVID-19 oo gaaraya 271,202.
Tiradan ayaa lagu sheegay midii ugu sarreysay ee maalinla ah muddo siddeed bilood .
Xaaladaha cudurka ee ilaa iyo hadda laga xaqiijiyay wadankaasi ayaa ah 37.12 milyan.
Sidoo kale dhimashada waxaa ku kordhay 314 waxayna tirada guud ee bukaanka uu noloshoodu galaaftay xanuunka COVID-19 ee India tahay 486,066 qof.