Iyadoo weli gudaha dalka laga dareemaya saameynta ka dhalatay roobabka culus ee da’aya iyo daadadka ayaa waxay Kenya taageero ka heshay dowladda India.
Tani ayaa timid ka dib markii ay India soo dirtay gargaar ah 40 taan.
Waxaa gargaarkan ka mid ah teendhooyin, bustooyin, cuntooyinka diyaarsan ee la isticmaali karo, agabka nadaafadda , daawooyin iyo qalab caafimaad .
Danjiraha India ku matasha Kenya Ms. Namgya Khampa ayaa waxyaabaha ay ku deeqeen ku wareejisay wasiiradda wasaaradda jaaliyadda Bariga Afrika , deegaannada oomanaha ee ASALs iyo horumarinta gobolka, Peninah Malonza.
Ra’iisul Wasaaraha India, Narendra Modi ayaa xusay in caawimaadda ay u fidinayaan Kenya ay muujinaysa xiriirka saaxiibtinnimo ee ka dhexeeya labada waddan.
Sidoo kale waxaa uu carrabka ku adkeeyay in tani ay astaan u tahay mudnaanta ay xukuumadiisa siinaysa qaaradda Afrika iyadoo la adeegsanaya aragtida ah in dunida ay tahay sida hal qoys oo kale sidaasi awgeedna loo baahan yahay in la is kaga gargaaro saameynta musiibooyinka dabiiciga ah.
Modi ayaa dadka ay daadadka ka soo gaartay saameynta tooska ah u sheegay in ay garab taagan yihiin oo ay murugada la dareemayaan.
10-kii bishan Shanaad ee May ayay ahayd markii gargaar kale oo uu siday markab laga leeyahay dalka India laga soo dejiyay dekadda Mombasa .
Daadadka ayaa saameeyay 38 ka mid ah 47-da ismaamul ee ay Kenya ka kooban tahay.
Intii u dhexeysay bilihii Labaad iyo Saddexaad ee sanadkan ayuu maamulka qaran ee la tacaalidda abaaraha ee (NDMA) sheegay in ilaa 1.9 milyan oo qof ay wajahayaan cunno yari oo ay u baahan yihiin gargaar baniaadannimo.