India oo gaashaanka u daruurtay dhaliil uga timid Maraykanka iyo Jarmalka

0
259

Dowladda dalka India ayaa si adag gaashaanka ugu daruurtay dhaliil ay u jeediyeen Maraykanka iyo Jarmalka ka dib markii la xiray madaxa wasiirrada ee Delhi ahna mas’uul ka tirsan mucaaradka Arvind Kejriwal.
Siyaasigan ayaa gacanta lagu dhigay hal bil ka hor inta aynan doorasho guud ka dhicin wadankaasi.
Shalay ayay ahayd markii waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka ay sheegtay inay si dhow ula socoto xariga mas’uulkan.
Kejriwal ayaa waxaa toddobaadkii hore xirtay laanta baaritaannada ku sameysa arrimaha maaliyadda ee India maadaama lagu tuhunsan yahay musuqmaasuq.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee India ayaa sheegtay in dowladda wadankaasi ay u madax bannaan tahay dhaqangelinta xeerarkeeda dastuuriga ah sidaasi awgeedna dhaliisha uga timid Maraykanka iyo Jarmalka aysan gar ahayn.