India oo baaraysa dilal ka dhacay gobolka Kashmiir

0
449

Dowladda dalka India ayaa sheegtay in baaritaano xaqiiqo raadin ah lagu sameyn doono dilal afar qof oo labo ka mid ah ay shacab yihiin loogu gaystay gobolka Kashmiir.
Maamulka New Delhi ayaa amray in la baaro falalka ka dhacay gobolkan ay ku muransan yihiin dowladaha dariska ah ee India iyo Pakistan.
Tallaabadan ayaa timid ka dib markii qoysaska dadka la dilay , wariyaal iyo shakhsiyaadka u ololeeya xuquuqul aadanaha ay dibadbaxyo ka dhigeen magaalada Srinagar.
Waxay ehelladu dalbadeen in meydadka dadka laga laayay lagu wareejiyo si ay u aasaan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in xalay xabsiga laga soo daayay in ka badan 12 qof oo ah qaraabada labo ka mid ah dadkii la dilay oo ay ciidamada ammaanka horay u xireen.
Guddoomiyaha gobolka ,Manoj Sinha ayaa qoraal uu soo dhigay barta Twitter-ka ku sheegay in baaritaanada ka dib la hubin doono inay cadaalad helaan qoysaska ay dhacdadan saameysay.