In ka badan kala bar dadka Suudaan oo u baahan gargaar bani’aadamnimo

0
99

Madaxa Golaha Qaxootiga Denmark ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in in ka badan kala bar dadka Suudaan ay u baahan yihiin gargaar bani’aadamnimo, iyadoo dagaalka uu burburiyay dalka Waqooyi Bari ee Afrika.
Tan iyo markii uu billowday dagaalka bishii April 2023-kii waxaa ku dhintay tobonaan kun oo qof iyadoo ay ku barakaceen ku dhawaad 12 milyan.
Suudaan ayaa la sheegay inay ku nool yihiin dad gaaraya 50 milyan oo qof, sida laga soo xigtay sahan uu sameeyay Bangiga Adduunka sannadkii 2024-kii.
Hadalka sarkaalka gargaarka ayaa yimid ka dib booqasho uu ku tagay aag ku yaal waddanka Chad oo xuduud la leh gobolka Darfur ee Galbeedka Suudaan, kaasoo dhawaanahan ay ka dhaceen dagaallo ba’an.