In ka badan hal qof oo ku dhintay dhulgariir kale oo ka dhacay Turkiga

0
407

Ugu yaraan hal qof ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay dhulgariir kale oo maanta laga soo tabiyay Koonfurta dalka Turkiga.
Dhulgariirka maanta ayaa cabbirkiisu lagu sheegay 5.6.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhismooyin ay soo dumeen, islamarkaana ay dhaawacyo badan jiraan.
Tani ayaa imaanaysa 3 toddobaad ka dib markii dhacdooyin dhulgariir ah oo saameeyay Turkiga iyo Syria ay ku dhinteen in ka badan 50,000 oo qof.
Waa dhulgariirkii saddexaad oo bishan gudaheeda laga soo tabiyo dalka Turkiga.