In ka badan hal milyan oo qof oo ku barakacay Qaza oo ka cabsi qabo in la weeraro

0
144

Ugu yaraan hal milyan oo Falastiiniyiin ah oo ku barakacay Qaza ayaa ka cabsi qabo in militariga Israa’iil uu ku bartilmaameedsado duullaan cusub.
Tani ayaa timid ka dib markii wasiirka gaashaan dhigga ee Israa’iil Yoav Gallant uu wacad ku maray inay weerarayaan magaalada Rafah ee Koonfurta Falastiin.
Aaggaasi ayaa horay lagu tilmaamay meel nabdoon.
Dhanka kale ugu yaraan 27,131 ruux ayaa ilaa iyo hadda lagu dilay duqeymaha ay Israa’iil weli ka wado Qaza tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore halka la dhaawacay 66,287 qof oo dheeraad ah.