In ka badan dhaawacyada 40 qof oo la gaarsiiyay isbitaal Madiino ee Muqdisho

0
442

Koox hubeysan ayaa weerar ku qaadday huteelka Xayaat ee ku yaalla KM4 ee magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu soo warramayo inay wali ku jiraan.
Weerarka ayaa ku billowday qaraxyo oo ismiidaamin ahaa.
Ku dhawaad 15 qof ayaa ku dhimatay sida ilaha Caafimaadka iyo Saraakiisha ciidanka ilaa iyo hadda xaqiijiyeen.
In ka badan 40 qof oo dhaawacyo kala duwan qaba ayaa la gaarsiiyay isbitaal Madiino sida uu sheegay Agaasimaha xaruntaasi caafimaadka.
Isbitaallada kale ee sida gaarka ah loo leeyahay ayaa la gaarsiiyay tiro Intaasi ka badan.
Dhimashada iyo dhaawaca ayaa sii kordhaya saacad saacadd ka dambeysa.