In ka badan boqolkiiba 90 ee shacabka Tigray oo u baahan gargaar baniaadanimo

0
498

Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa sheegtay in 5.2 milyan oo qof oo ku nool gobolka waqooyi ee dalka Itoobiya ee Tigray ay u baahan yihiin gargaar baniaadanimo.
Tiradan ayaa u dhiganta boqolkiiba 91 sida ay sheegtay hay’adda cunnada ee WFP.
Hay’adda ayaa codsatay in ka badan 200 milyan oo doolar oo taageero dhaqaale ah si ay wax uga qabato baahida ka jirto gobolkaas.
Dhibaatada ka taagan gobolka Tigray ee Itoobiya ayaa waxaa sababay dagaallo ku dhawaad 7 bilood u dhexeyay ciidamada dowladda federaalka ee Itoobiya iyo kuwa TPLF.
Afhayeenka WFP Tomson Phiri ayaa sheegay in ay aad uga walacsan yihiin tirada sii kordhaysa ee dadka u baahan gurmad degdeg ah.