In ka badan boqolkiiba 40 ee shacabka Qaza oo ku barakacay duqeymaha Israa’iil

0
250

Xafiiska qaramada midoobay u qaabilsan isku duwidda arrimaha baniaadannimo ee OCHA ayaa sheegay in labadii toddobaad ee ugu dambeeyay ay duqeymaha Israa’iil ee Qaza ku barakaceen ugu yaraan boqolkiiba 40 ee shacabka Qaza.
Tani ayaa u dhiganta in ka badan 900,000 oo qof oo Falastiiniyiin ah.
Dhanka kale , laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii waxaa Qaza lagu dilay ugu yaraan 35,562 qof halka la dhaawacay 79,652 kale.