Waxaa lagu soo warramaya in rabshado hor leh ay xalay ka dhaceen magaalada Qudus halkaas oo ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 90 qof oo u dhashay dalka Falastiin.
Iskudhacyada ayaa u dhexeyay booliska Israa’iil iyo shacab Falastiiniyiin ah oo ku cibaadeysananay masjidka barakeysan ee Al-Aqsa
Hay’adda laanqeyrta cas ee Falastiin ayaa sheegtay in ugu yaraan 90 qof ay ku dhawaacmeen rabshadihii xalay dhacay halka booliska ay sheegeen in hal sarkaal uu ka dhaawacmay.
Tani ayaa ku soo aadeysa iyada oo in ka badan 205 Falastiiniyiin ah iyo 18 sarkaal oo booliska Israa’iil ah lagu dhaawacay isku dhacyo Jimcihii ka dhacay magaalada Qudus, sida ay sheegeen dhakhaatiirta Falastiiniyiinta iyo booliska Israa’iil.
Waxaa werraradan cambaareyay wadamada caalaamka iyagoona ku baaqay deegganaan.