Ugu yaraan 9 qof ayaa dhintay halka 14 kalena ay dhaawacmeen ka dib iska horimaad dhexmaray booliiska magaalada Wamena ee gobolka Papua ee dalka Indonesia iyo dad ka careysan warar xan ah oo sheegaya in ilmo la afduubtay.
In ka badan 200 oo ka tirsan ciidamada ammaanka, oo ay ku jiraan booliis iyo milateri ayaa la geeyay goob ay rabshadda ka dhacday si ay u xakameeyaan xaaladda.
Rabshadaha ayaa la sheegay in ay billowdeen ka dib markii dadka deegaanka oo ka careysan xanta ku saabsan in carruur la afduubtay, iyagoo ka dib billaabay in ay dhagxaan ku tuuraan saldhig booliis oo ku yaalla degmada Wamena halkaas oo lagu xiray nin lagu eedeeyay inuu afduub gaystay.
Booliiska ayaa laga soo xigtay in dadka deegaanka ay u caddeeyeen in ilmaha la sheegay in la afduubaty ay badqabaan islamarkaana uu gacantooda ku jiro.
Hasa ahaate carada ka dhalatay ilmaha la afduutay ayaa qaar ka mid ah dadka deegaanka ay dab qabadsiiyeen dhismooyiin ka ag dhawaa saldhig booliis.




