In ka badan 85,000 oo qof oo loo qaybin doono cunno gargaar ah

0
226

Guddiga qaran ee ay dowladdu u xil-saartay ka falcelinta saameynta abaarta ayaa sheegay inuu cunnoyin gargaar ah u qaybin doono ugu yaraan 85,000 qof.
Dadkan ayaa ku kala nool ismaamullada Samburu, Meru, Marsabit, Kilifi iyo Kitui.
Waxaa gargaarka la gaarsiin doonaa ugu yaraan 14,000 oo ah qoysas ku nool deegaannada bariga Samburu ,Laisamis, Magarini, waqooyiga Igembe iyo waqooyiga Kitui .
Bishii 11-aad ee sanadkan ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Dr. William Ruto uu magacaabay guddiga qaran ee gurmadka ka dhanka ah abaarta.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii ay xubnaha guddigan shaaciyeen in la uruuriyay in ka badan 600 milyan oo shilin si loogu caawiyo kenyaanka ay saameynta ba’an ku yeelatay abaarta.
Guddoomiyaha guddigan ahna madaxa fulinta ee shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom,Peter Ndegwa ayaa sheegay in cuntooyinka la qaybinaya ay yihiin kuwo ay dadweynaha isticmaali doonaan muddo bilooyin ah.
Maamulka qaran ee maareeya abaarta ee NDMA ayaa sheegay in xaaladda abaarta ee 21 ismaamul oo ka mid ah 23 dowlad deegaan ay ka sii daraysa.
Tani ayaa timid ka dib markii ugu yaraan afar xilli aan la helin roobab la rajeynayay.
Tirada guud ee dadka u baahan gargaarka baniaadannimo gudaha Kenya ayaa ah 4.35 milyan oo qof.
Ismaamullada laga dareemaya saameynta abaarta waxaa ka mid ah Laikipia, Marsabit, Garissa, Isiolo, Kilifi, Kwale, Samburu, Tana River, Tharaka Nithi, Turkana, Wajeer, Kitui, Kajiado ,Mandera Embu, Narok, Taita Taveta, Makueni, Meru, Nyeri , Lamu ,Baringo iyo West Pokot .
Sidoo kale waxay nafaqo darro baahsan haysataa 942,000 carruur ah oo ay da’doodu u dhexeyso 6 ilaa 59 bilood.
Tirada haweenka uurka leh ama carruurta nuujinaya ee wajahaya nafaqo darro ayaa ah 134,000 .