Wararka naga soo gaaraya dalka Pakistan ayaa sheegaya in weerarro dhowr ah oo la fuliyay ay ku dhinteen ugu yaraan 8 qof halka 15 kale ay ku dhaawacmeen.
Ciidamada ammaanka ayaa lala eegtay labo weerar oo ka dhacay gobolka Koonfurta Galbeed ee Balochistan sida laga soo xigtay militariga.
Waxaa lagu waday in ra’iisul wasaaraha Pakistan Imran Khan uu gobolkaasi socdaal ku tago.
Dhacdadii ugu horreysay , rag hubeysan ayaa bartilmaameedsaday bar kontorool oo ku yaalla duleedka magaalada Quetta.
Bayaanka militariga Pakistan waxaa ku cad in afar sarkaal halkaasi ay ku dhinteen sidoo kale ugu yaraan 4 ka mid ah dableydii weerarka gaysatay.
Dhaawaca ayaa isugu jiro 6 sarkaal iyo in ka badan 7 ka mid ah dableyda.
Weerarkii labaad ayaa loo adeegsaday bambo lala eegtay baabuur militari oo marayay magaalada Turbat ee galbeedka Karachi waxaana halkaasi ku dhaawacmay labo askari sida laga soo xigtay militariga.